Somali

 

SOMALI

 

 

Somaliyaay toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taag daranee
Taageera waligiinee.

Ummadyahay mar kale toosoo
Calankiinna wada tiirshoo,
Danta guud ku taagsada oo
Isu wada tanaasula eey.

Tawaabkoo qudhaa bixiyoo
Gobannimada taam ka dhigee,
Rabbi toobad weyddiistoo
Talo saarta Weynaha eey.

Qabiilkaad ku tookhdaan baa
Qawmiyaddaada kaa tira oo,
Tayo li'ida qoysqoyskaa
Idin bada tabaalaha eey.

map

Somalia wake up,
wake up and join hands together
and we must help the weakest of our people
all of the time.